Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixin xasaasi ah oo ka kooban 30 qodob

0

MUQDISHO (SMN) – 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo ay ka wadahadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

 

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulanka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socda magaalada Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar heerkiisu sareeyo u soo xiray ilaa iyo 350 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee Dowladdii Milateriga.

5-Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka uga warbixiyay shirka Gilaha Wadatashiga Qaranka iyo guulaha laga gaarey. Waxaana uu xusay in shirka looga dooday ajendayaal muhiim ah, sida dardar gelinta la dagaallanka khawaariijta, xoreynta dalka, dib-u-heshiisiinta, iyo arrimaha doorashooyinka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka Badmaal, oo diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta kalluumeysiga ee guud ahaan dalka.

7-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025-ka.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

9-Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

10-Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa daahfurey deeq waxbarasho oo gudaha dalka oo ay siineyso 250 arday ee kaalimaha hore ka galey imtixaanka dugsiyada sare.

11-Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta Biyo Mareenada magaalada Muqdisho.

12-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum

13-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

14-Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 100 arday oo ka kala socda Sudan, Yemen iyo Suuriya.

15-Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka

16-Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Muqdisho ku qabarey kulan wadatashi oo looga hadlayey dardargelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025-2029.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u soo xiray tababar la xariiro diblomaasiyada 12 safiir iyo 21 sarkaal oo ka shaqeeya arrimaha diblomaasiyada.

18-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo cambaareeyay soo gelinta hubkaa sharcidarda ah ee ka imaanaya Ethiopia, isagoo xusay in dowladdu ay tallaabooyin adag qaadayso si Iooga hortago arrimahan oo loo ilaaliyo madaxbanaanidda Soomaaliya.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIŞ, isagoo xusay in Ciimada XDS ay kala wareegeen ciidamada ATMIŞ in ka badan 27 goobood.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Minneapolis ugu qeyb galay shir sanadeedka Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida Mareykanka.

21-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay 24 dhalinyaro ah oo qalqal ku hayay shacabka iyo amniga magaalada Muqdisho.

22-Wasiiru Dowlaha Gaashandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Bariga Africa Paul Kahuria Njema, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga gobolka iyo halista argagixisada.

23-Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

24-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta ayaa kulamo la yeeshay Xildhibaan Ilhaan Cumar, La-Taliye Sare Xamsa Warfa aiyo Naadiya Maxamed oo ah Duqa magaalada St, Luis Park ee gobolka Minnesota.

25-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulan la qaatey Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

26-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa, Paul Kahuria Njema oo ay ka wadahadleen amniga gobolka, khatarta argagixisada iyo arrimo kale.

27-Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay La-Taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert.

28-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan
Cabdulaahi ayaa kormeeray Xarunta Laanta Dhexe ee llaalinta Canshuuraha Booliiska Soomaaliyeed.

29-Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku dhowaad 60 xubnood oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al Shabab ku dilay hawlgalo ka dhacay gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe.

30-Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo ka fuliyay degmada Ceel-dheer ee Gobalka Galguduud, iyagoo halkaas ku dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab.
=========DHAMMAAD========

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here