Shirkii Asmara oo aad loogu difaacay madax-banaanida Soomaaliya

0

ASMARA (SMN) – Madaxweynayaasha Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya oo Asmara kulan ku yeeshay Khamiistii shalay ayaa ku heshiiyay in la difaaco madax-banaanida Soomaaliya, lagana taageero dhismaha Ciidan qaran oo awood u leh ilaalinta xuduudahooda berriga iyo badda, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 3da hogaamiye.

 

Tallaabadan ay isbahaysiga ku sameysteen dalalkan ayaa Itoobiya ku go’doominaya gobolka Geeska Afrika. Heshiiskan ammaanku waxuu walaaca ku abuuray xukuumadda Abiy Axmed oo kumannaan askari ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay baxaan bisha december ee sanadkan.

Waxaa muuqata in xulufada cusub looga hortagayo saameynta Itoobiya ee gobolka Geeska Africa iyo qorshaheeda gelida badda cas.

“Madaxdu waxay isla garteen in la horumariyo iskaashiga iyo isku xirka saddexda dal si ay wax uga qabtaan caqabadaha gobolka iyo difaaca madax-banaanida Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Shirkii Asmara.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim u ah oo ku saabsan iskaashiga gobolka, xaaladda Soomaaliya, arrimaha amniga ee badda cas. Waxay kaloo Madaxweyne Xasan Sheekh, Al-Siisi iyo Afwerki ay ka wadahadleen samaynta Itoobiya iyo caqabadaha ay wajahayaan saddexda waddan.

Dowladda Masar oo kordhisay taageerada ay siiso Soomaaliya, ayaa waxay isku diyaarinaysaa inay ciidamo ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasiloonida Soomaaliya kaasoo billaabanaya bisha January ee 2025, iyadoo Eritrea la sheegay inay qeyb ka noqon doonto howlgalka cusub, oo aan wali dowladda Soomaaliya go’aamin dalalka laga qeybgelinayo. La-taliyaha amniga Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadii Itoobiya ka laaban heshiiska badda lagu diri doonin howlgalka.

Madaxweyne Al-Sisi waxa uu xaqiijiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay la shaqeyso Soomaaliya iyo Eritrea si loo gaaro amni iyo xasillooni guud ahaan Geeska Afrika.

Hogaamiyayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo saddex geesood ah oo ka kooban wasiirada arrimaha dibadda si ay u yeeshaan iskaashi istaraatiijiyadeed oo dhinac walba ah.

Madaxweyne Afwerki ayaa la sheegay inay soo abaabulay Shirka Asmara, oo kusoo aaday xili Itoobiya ay qorsheynayso inay saldhig ciidan iyo dekad ka sameysato badda Cas, iyadoo heshiis la gashay horaantii sanadkan maamulka Somaliland, kaasoo dowlada Soomaaliya ku tilmaantay daandaansi dagaal iyo xad-gudub lagu sameeyay madax-banaanida dhuleed ee dalka.

Masar oo dhankeeda Itoobiya isku khilaafsan yihiin biyo-xireenka webiga Nile ayaa labo jeer hub diyaarado iyo markab ugu keentay dowladda Soomaaliya tan iyo markii labada dal galeen heshiiska difaaca bishii August ee sanadkan, kaasoo sii kordhiyay xiisadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here