Qaraar ku saabsan Soomaaliya oo loo gudbiyay Qaramada Midoobay

0

NEW YORK (SMN) – Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyay qaraar ku saabsan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u habeynta xuquuqul insaanka iyo dib u cusboonaysiinta shaqada gudiga khubarada madaxa bannaan ee Soomaaliya.

 

Simon Manley, Wakiilka Joogtada ah ee Ingiriiska u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto ilaalinta Xuquuqda Aadanaha kadib markii bishii August la ansixiyay Sharciga Xuquuqda Naafada.

Diblomaasiga waxuu carabka ku adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ilaalinta xaquuqul insaanka dalkaSoomaaliya oo mudo tobanaan sano ah kusoo jirtay colaado iyo amni darro.

Qaraarka qabyada ah ayaa ku baaqaya in la helo kaalmo farsamo oo habaysan si Soomaaliya looga caawiyo fulinta hindisaha xuquuqul insaanka, gaar ahaan kuwa diiradda lagu saarayo ilaalinta dadka nugul sida haweenka, carruurta iyo dadka naafada ah.

Soomaaliya waxaa laga filayaa inay si dhow ula shaqeyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha iyo daneeyayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo dib-u-habayntan.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalka ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqul insaanka. “Soomaaliya waxay u heellan tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso sidii ay u ilaalin lahayd xuquuqda muwaadiniinta oo dhan,” ayuu yiri mas’uulkan oo intaas ku daray in sharciga xuquuqda naafada uu durba bilaabay inuu isbedello wanaagsan u sameeyo kooxaha nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here