R/W Xamza oo xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyay Garasbaaley

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo Laami ah, taas oo laga hirgeliyey Degmada Garasbaaley ee Gobolka Banaadir, iyada oo fududueyn doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Waddadan oo lagu magacaabo Macaani, ayaa lagu dhisay canshuurta laga qaado bulshada ku nool gobolka Banaadir, taas oo qayb ah qorshaha horumarinta caasimadda ee dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here