Sawirro: Madaxweyne Xasan oo u tegay ciidanka cirka ee lagu tababarayo Eritrea

0

ASMARA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, ayaa kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo taliyeyaasha hoggaaminaya, isagoo ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen tababarka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, isaga oo xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo difaaca hawada dalka.

Waxaa kale oo uu ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here