War-murtiyeed laga soo saaray shirka saddex geesoodka ah ee Asmara

0

ASMARA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shir madaxeed saddex geesood ah oo ka dhacay magaalada Asmara, caasimadda dalka Ereteriya, maalinimadii shalay oo ku beegneyd 10-ka Oktoobar sanadka 2024.

 

Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxda saddexda dal ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.

Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here