Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay safiirka Switzerland ee Bariga Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo ku gudajira socdaal shaqo oo uu maalmahan ku joogay magaalada Nairobi ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa oo ay ku jirto Soomaaliya Ambassador Mirko Giulietti.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda iyo adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Switzerland uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay joogteeyaan taageeradooda, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay ka wada shaqeynta sidii loo hubi lahaa in ay deeqdoodu u gaaraan dadkii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here