Xuska 12-ka Oktoobar ee Calanka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan

0

MUQDISHO (SMN) – Maanta waxaa ay ku beegan tahay maalintii ugu horeysay ee ciid Soomaaliyeed laga taago Calanka buluuga ah ee Cawaale oo ku beegan 12-ka Oktoobar.

 

Naqshada Calanka Soomaaliyeed waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan waxaana la go’aamiyay 12-kii Oktoobar 1954-tii.

Sida dad badan ay taariikhda ku haayaan gumeystihii waqtigaas ayaa dood badan ka keenay nooca Calanka iyadoo uu kaga adkaaday Maxamed Cawaalle oo sidaas ku galay quluubta dadka Soomaaliyeed.

Shabelle waxaa ay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu hambalyeynaysaa maalinta Calanka oo ah 12-ka Oktoobar.

Maanta oo kale waa maalin mudan inaan maamuusno halyeeyada dalka taariikhda u galay oo aan karaameynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here