SoDMA oo Nairobi ku soo xirtay shirka ka digista xaaladaha halis wadareedka

0

NAIROBI (SMN) – Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo 5 cisho ah isla-markaana ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka digista xaaladaha halis wadareedka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilo kale oo la shaqeeya Hay’adda SoDMA.

 

Aqoon isweydaarsigan ayaa lagu gorfeeyay inta uu socday sidii bulshada loo fahamsiin lahaa xaaladaha ka digista qataraha oo ay sababan fatahaadaha iyo abaraha soo noqnoqday ee ka dhaca dalkeena.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo soo xiray kulanka ayaa ka mahadceliyey doorka ka qeybgalayaasha ay ka qaateen qorshe howleedka ka soo baxay kulanka

Agaasimaha Waaxda Qataraha Musiibooyinka ee Hay’adda SoDMA Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa xusay in la isla gartay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa khataraha Musiibooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here