Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda IHH + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan daba socda shirar iyo heshiisyo hore u dhacay oo la xariiray ka wada-shaqeynta barnaamijyada soo kabshada iyo adkeysiga la qaatay wafti uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda IHH Md. Huseyin Oruc.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qodobbo ay qeyb ka yihiin arrimaha bani’aadannimo ee taagan, sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen dhisidda kartida iyo aqoonta shaqaalaha Hay’adda iyo xarumaha hoos taga iyo sidii loo heli lahaa agabyada iyo gaadiidka muhiimka u ah guud ahaan howlaha gargaarka, sida; Aambalaasyada, Dab-damisyada iyo gawaarida Xamuulka.

Guddoomiyaha SoDMA, Md. Maxamuud Macallin oo ka mahad-celiyay taageerada hagar-la’aaneed ee IHH ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta abaaraha la saadaalinayo ay IHH gacan ka geysato sidii gargaarka bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa goobaha fogfog ee ay adag tahay in si sahlan deeqaha raashin ee dibadda ka imaanaya loo gaarsiiyo.

Hay’adda IHH oo ka mid ah hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa horay heshiis ku aaddan arrimaha bini’aadannimada la gashay hay’adda SoDMA, iyagoo dhowr mar wada qaatay kulamo arrintaasi la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here