Dagaal u dhexeeyay ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool

0

WAAJID (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku billowday madaafiic ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana kadib xiga dagaal foolka fool ah.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay weli iyaga ku sugan yihiin.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, xog badana aan laga heli karin goobta lagu diriray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga degmada Waajid howlgallo culus haatan ka wada ciidamada Xoogga dalka oo baadi goobayo raggii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here