Masar iyo Eritrea miyaa danahooda ku dagaal gelinaya Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu weli ku sugan yahay dalka Eritrea ayaa waxaa soo if-baxaya walaaca laga qabo shir sedex-geesood ahaa oo ay magaalada Asmara ku wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

 

Madaxweynayaasha sedexda waddan Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-siisi iyo Isaias Afwerki ayaa qalinka ku wada duugay in ay iska kaashadaan arrimo ay kamid yihiin difaaca iyadoo ay jirto xiisad Dagaal oo dalalkan kala dhaxaysa waddanka Itoobiya.

Booqashada Asmara ee Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa cirka kusii shareertay xiisada badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Falanqeeyeyaasha indhaha ku haya Kulanka Asmara iyo heshiiska sedex geesoodka ah ayaa ka digaya in Soomaaliya qoorta loo geliyo qorshe dagaal oo ay qaruumo kala gadaal ka riixayaan.

Maxamed Xaadir Nuur oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in Masar iyo Eritrea ay colaad kala dhaxayso Itoobiya, heshiiskooda xilligana uu yahay mid ku danaysasho ah oo ay doonayaan in Soomaaliya lagu dagaal geliyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa si kasta oo ay iskaga difaaci karto damaca baahalnimada ah ee Itoobiya ay ku doonayso qaybo kamid ah badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here