Ciidamada DF oo fashiliyay weerar qaraxyo ah oo lala damacsanaa Xudur

0

XUDUR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Xudur ayaa ka hortegay weerar uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka demadaasi.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay burburiyeen gaari siday qaraxyo, sidoo kalena ay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen xubnaha weerarka ahaa.

Hoos ka akhriso qoraalka:-

GAARI QARAXA IYO MALEESHIYAADKII WADAY OO CAGTA LA MARIYAY.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad ayaa fashiliyay maleeshiyaadka khawaarijta oo damacsanaa ineey weerar fulaynimo ah ku soo qaadaan degmada xudur ee gobolka Bakool.

Ciidanka oo helay xogta cadawga argagexisada ah ayaa deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur ku bur buriyay maleeshiyadkii damacsanaa ineey weerarka fulaynimada ah shacabka magaalada u soo maleegaan iyo gaari qaraxa oo ay wateen .

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa xaqiijiyay ineey qasaaro baaxad leh cadawga halkaasi ku gaarsiyeen welin ay wadaan baacsiga firxadkii deegaakasi isku abaabulayay si shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi u wax yeeleeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here