Danjire Jabriil oo furay bandhigga iyo isku-xirka Ganacsiga + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) –  Boqolaal ganacsato ah, wakiilo ganacsi, dadka deegaanka iyo hogaamiyayaasha shirkadaha waaweyn ee Ganacsiga dalka Kenya ayaa isugu soo baxay madasha isku xirka ganacsiga ee ugu horeysay ee lagu qabto Xaafadda South C, Nairobi oo ah deegaank ay ku nool-yihiin dadka Soomaalida.

 

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa daahfuray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Madashaan ayaa ujeedadeedu ahayd in la kobciyo fursadaha isku xidhka iyo in la abuuro goob ay ganacsatadu ku ogaan karaan habab ay isu taageeri-katana uganda faa’iidaysqn karaan ganacsiga sii xoogeysanaya ee ka jira dalka Kenya.

Madashu waxa kale oo ay isu keentay goobtaas shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs), wakiillada shirkadaha, iyo ganacsiyada maxalliga ah, iyaga oo siinaya fursad ay ku dhexgalaan, wadaagaan aqoonta, iyo sahaminta iskaashiga suurtagalka ah.

Ka soo qayb galayaasha waxaa ka mid ahaa saraakiil sarsare oo ka socday shirkadaha caanka ah sida Hass Petroleum, Stima Sacco, shirkadda tagaasida qaada ee Faras, Villa Kazi Home, Gulf African Bank, KCB, iyo Absa Bank.

Dhowr qof oo hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin madashaan oo kale, iyaga oo muujiyay awoodda kobaca dhaqaalaha ee South-C iyo guud ahaan gobolka Nairobi.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si joogta ah loo qabto madashaan oo kale si ay uga faa’ideystaan ​​ganacsatada deegaanka.

Waxa uu xusay in xaafada South-C ay ku tilaabsatay kobac la taaban karo, oo aan ku koobneyn dhanka ganacsiga, balse sidoo kale ay ku talaabsatay yeelashada hanti ma guurto ah, iyadoo ay socdaan mashaariic dhismo oo dhowr ah.

“Waa wax dhiirigelinaya in deegaankan South-C uu noqdo mid soo jiita indhaha maalgashayaasha ,” ayuu yiri danjire Jabriil.

“South C waxay noqonaysaa xarun ganacsi oo cusub, qaybta hantida ma-guurtada ahina way kobcaysaa. Waxaan ku dhiirigaliyaa Ganacsatada Soomaalida inay sii wadaan guulaha ay ka gaareen ganacsiga .” Ayuu yiri Danjire Jabril

Safaaradda Soomaaliya ayaa wada qorshooyin lagu dhiirigalinayo Ganacsatada Soomaalida, Isla markaana lagu difaacayo difaacayo maalgashigooda.

Madashaan ayaa waxaa soo diyaariyay Hay’adda ASMALI media oo kaalmeysanaysa Ganacsatada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here