Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo xalay weerar culus ku qaaday Al-Shabaab

0

CEELDHEER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shaaab oo ku sugnaa duleedka degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaa beegsaday deegaan lagu magacaabo Dhagaxley oo ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, waxaana kadib meesha ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaabka ku sugan halkaasi, kadibna ay weerareen, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay kasoo furteen hub iyo saanad ciidan, maadaa ay u daatee saldhgyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo, waxaana halkaasi guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here