Weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo ka dhacay Kismaayo + Bartilmaameedka

0

KISMAAYO (SMN) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu weeraray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

 

Bamka ayaa rag hubeysan waxay ku tuureen maqaayad ku taalla isgoyska Golol, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare iyo burbur xoogan.

Ugu yaraan illaa 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkan loo adeegsaday bam-gacmeedka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarka, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay baaritaano kooban.

Kismaayo ayaa mararka qaar waxaa weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here