Xog: Aadan Madoobe oo dadaal geliyay in beeshiisu hesho R/W ku xigeenka labaad

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)  ayaa dadaal badan ku bixiyey sida ay Shabelle ogaatay in Beesha uu ku metelo Siyaasada ee Digil iyo Mirifle hesho Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee XFS.

 

Jagadaan oo ay horey beeshu ugu fadhiday ayaa kor u laalneyd tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu Dalka ka baxay Kumeel-gaarnimadii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan ayaa tan iyo markii loo doortay xilkan waqti badan geliyay keenista kursi-siyaasadeedkan muhiimka ah iyo xilal kale oo beesha ka maqnaa.

Cabdisalaan Cabdi Cali oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn loo magacaabay inuu noqdo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS, wuxuuna horay u ahaa Wasiirka Howlaha Guud.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeen labaad, kaddib dowladdii KMG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here