Itoobiya oo xukun ku riday in ka badan 50 Al-Shabaab ah oo dagaal lagu qabtay

0

ADDIS ABABA (SMN) – Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa 60 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab waxay ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 2 ilaa 18 sano kaddib markii lagu qabtay dagaallo ay la galeen ciidamada Itoobiya.

 

Xubnahan ayaa la qabtay labo sano ka hor kadib markii ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya, halkaasi oo ka dhacay dagaal qaraar oo narkii dambe ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ku guuleysteen inay dib isaga caabiyaan weerarka.

Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka Itoobiya, kooxda Al-Shabaab ayaa qorshaynaysay inay saldhig ka samaystaan ​​deegaanka Soomaalida, iyagoo ka faa’iidaysanayay habacsanaanta amni ee gobolka iyo colaadda gudaha Itoobiya.

Xubnaha la xukumay ayaa waxaa ka mid ah labo hogaamiye, kuwaasi oo lagu xukumay xabsi daa’in.

Inta soo hartay waxaa lagu riday xukuno kala duwan oo xabsi ah. Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa dagaalyahannada Al-Shabaab ku soo qabtay howlgal ay bishii July 2022 ka fuliyeen gobolka Afdheer.

Booliska Federaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay socdaan baaritaano ku aadan lix kiis oo kale kuwaas oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here