Ciidamada ammaanka oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

 

Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo lagu baadi goobayay shaqsiyaadka liddiga ku ah ammaanka caasimadda.

Ciidamada ayaa baarayay guryaha ku yaalla degmada Xamarweyne iyaga oo kasoo saarayay dadka ku jira si looga gun gaaro, hadii ay ku jiraan dad la tubunsanyahay iyo in kale.

Ciidamada ayaa sidoo kale baarayay dadka marayay wadooyinka maraya iyo gaadiidka isticmaalayay wadooyinka dexmara degmada.

Dhalinyaro badan oo ku sugnaa guryahooda ayaa la sheegay in ciidamada aya banaanka uga soo saareen hoygooda halka kuwa kalana la qabtay iyaga oo wadsada maraya, kuwaasi oo la’isugu geeyay hal meel si looga dhex baaro shakhsiyaad lagu daba jiro.

Saraakiil u hadashay ciidamada ammaanka ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada si looga hortago weeraro ay gaystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Ma jiro faah-fahino dheeraad ah oo ay bixiyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan howlgalka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xamarweyne waxa ay kamid tahay degmooyinka sida weyn loo adkeeyo ammaankooda maadaama ay ku yaallaan xarumo dowladeed, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay weeraro ay gaysteen Al-Shabaab.

Si kastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii la weeraray xarunta Iskuul Buluusiyo oo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda halkaasi oo goob kamid ah uu isku qarxiyay ruux naftiis haliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here