Xog: Mooshin laga wado R/W Xamse oo khilaaf ka dhex abuuray guddoonka BF

0

MUQDISHO (SMN) –  Macluumaad sugan oo ay Shabelle helayso ayaa sheegaya in Xildhibaano badan ay Mooshin Xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Xukuumadiisa oo shaqeynaya mudo 2-sano bar ah balse uusan weli ka qaban guddoonka Baarlamaanka oo kor loo hayo mooshinkaasi sababo la xiriira cadaadis ka imaanaya dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Maclumaadku waxa ay tibaaxayaan in Mooshinka Ka dhanka ah RW Xamse ay horkacayso Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Salaad Xaaji Samatar oo iyadu uu Khilaaf Mudo soo huursanaa kala dhaxeeyo Ra’iisul wasaaraha.

Maadaama uu Dalka ka maqan yahay Madaxweynaha waxaa ku sime Madaxweyne ah Dastuuriyan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, mana guddoomin karo Kulamada Golaha Shacabka Hasa ahaatee Guddoomiye Sacdiyo oo la rabay in ay shalay shir guddoomiso Fadhiga ayaa sida xoguhu sheegayaan loo diiday, waxaana shir guddoonka ahaa labada ku xigeen ee Guddoonka Aqalka Sare.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo Kale Shabelle u sheegay Madaxweyne Xasan inta uusan bixin uu maalmo kahor la kulmay Sacdiyo Salaad, islamarkaana uu kala hadlay in ay ka laabato Mooshinka ay ka wado Ra’iisul wasaarihiisa hasa ahaatee aan la ogeyn waxa ay isku afgarteen.

Waxaa sidoo kale jira warar xoogan oo sheegaya in Sacdiyo Salaad qudheeda ay Viladdu qalqaalinayso sidii looga tuuri lahaa Xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad bacdamaa ay buuq ku furtay RW Xamse oo saaxiib la ah Madaxweynaha Qaranka.

Waxaa kale oo arrimaha ku saabsan Mooshinka RW laga wado gadaal ka riixaya sida wararku ay sheegayaan Xildhibaano ay Deegaan doorashadoodu tahay Puntland, kuwaas oo uu 26ka bishan Madaxweyne Siciid Deni ku casuumay Garoowe iyo ka qeybgalka Kala fadhiga 55-aad ee Paarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaan Cali Mahdi oo Hogaaminaya Xildhibaanada Puntland u socda ayaa sheegay in Sharci ay tahay in Madaxda Qaranka Mooshin laga keeno hadii lagu helo Xil gudasho la’aan.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay isna in Guddoomiyaha 1aad ee Golaha Shacabka ay Qaban karto Mooshinka RW ayna sax aheyn in arrintaas darteed ay uga maqnaato Shir Guddoonka.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ka tirsan Xisbiga UPD ee Madaxweynaha ayaa waxaa ay Siyaasiyiintu inta badan ku eedeeyaan in uusan marna Yeelan karin Mowqif Siyaasadeed oo Madaxweynaha uusan la ogeyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here