Hay’adda Duulista oo beenisay in mid kamid ah diyaaradaha DF ay shil gashay

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay shacabka Soomaaliyeed kula wadaagtay in uusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, Hay’adda ayaa been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey.

 

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here