Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay heshiis lala soo galay Tanzania + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.

 

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here