Wafdi ka socda Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiirro ka tirsan XFS ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana qeyb ka ah wafdigaan ka socda dalka Turkiga masuuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dalka Turkiga.

 

Imaatinka wafdigaan ayaa la xiriirta qorshaha Markabka Turkiga ee dalkeenna u imaanaya sahminta shidaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu hoggaaminayo, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa wafdigaan ka socda dalka Turkiga ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here