Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Turkiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ka qeybgalaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna.

 

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada;-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here