Rag loo haysto xatooyada Ari oo lagu soo bandhigay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay saddex eedeysane oo loo haysto xatooto xoolo dadweyne.

 

Raggan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inay ahaayeen shabakad, ayna xadi jireen xoolaha nool gaar ahaan Ariga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Wadajir ayaaa soo xiray sadax eedeysane oo kamid ah shakabad ah ku eedeysan xatooyo xoolo dad weyne oo ka mid yihiin xoolaha nool gaar ahaan Ariga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka booliska.

Sidoo kale booliska waxaa lasii raaciyay “Waxaana la marsiin doonaa cadaaladda. Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammniga liddi ku ah lasoo xariir xafiiska gurmad ee Boooliiska Soomaaliyeed ee 991”.

Maalmihii u dambeeya ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here