Xasan Sheekh ma waxa uu ku guul dareystay isku heynta maamul-goboleedyada?

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa mar kale shalay dib uga furmay shirka golaha wadatashiga qaranka oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid dowlad goboleedyada dalka, kaas oo maanta galaya maalintiisii labaad oo xiriir ah.

 

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Madashan waxaa ka maqan madaxweynaha Jubbaland oo dhowaan isaga baxay shirka golaha wadatashiga, kadib markii uu ka biyo qorshaha madaxtooyada Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland.

Sidoo kale waxaa horay u maqnaa madaxweynaha Puntland oo aan qayb ka ahayn shirarkii u dambeeyay ee golaha, taas oo caqabad ku noqotay in lasoo saaro go’aao wax ku ool ah.

Haddaba madaxweyne Xasan Sheekh ma waxa uu ku guul dareystay isku heynta maamul-goboleedyada?

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here