R/wasaare Xamza oo la kulmay ergeyga Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika

0

MUQDISHO (SMN) –

Muqdisho: Isniin 28, Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here