Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqadii ka tegay

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cal Dige oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga tegay shaqadii uu ka hayay Villa Soomaaliya.

 

Cabdulqaadir Dige ayaa u mahadceliyay madaxweynaha MudaneXasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in muddada uu joogay xafiiska uu qabtay shaqo warbaahin oo muuqata.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda.

Sababta ka dambeysa shaqo ka tagista Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto khilaaf la sheegay inuu muddo kala dhexeeyay Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah afhayeenka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here