MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka ayaa labada Gole ka dalbaday inay sii shaqeeyaan bil kale oo dheeraad ah, isla-markaana fasaxooda ugu hiiliyaan dalka.
Madaxweynaha ayaa baarlamaanka la wadaagay go’aanadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka ee la xiriira doorashooyinka dalka.
“Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa in bisha ugu horeysa ee fasaxiisa uu u huro dalka” ayuu yiri madaxweynuhu.
Intaas kadib xildhibaanada ayaa ogolaaday codsigii madaxweynaha ee ahaa in bisha ugu horeeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan.
Halkan hoose ka daawo:-