MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Koontoroolada Muqdisho Cabdi Cali Maxamed ayaa ka qaatay qalabkii ay ku shaqeenayeen qaar kamid ah wariyayaasha Shabelle xili ay ku guda jireen Howl-maalmeedkooda Shaqo.
Taliyaha ayaa marka uu kaamiradda uu ka qaadanayay Howlwadeenada Shabele ee Kala ah (Najiib Faarax Maxamed Muuqaal duube) iyo (Zakariye Axmed Muuse Reporter) waxa uu watay dhar shibil ah oo ma uusan ahayn Askari ama sargaal ku labisan dareeska ciidamada isaga oo watay gaari Cabdibile Artoob Buruuf ah.
Howlwadeenada Shabelle ayaa u kuur galayay Dagaal saakay ilaa hadda si goos goos ah uga socda Xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkenley.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya Laba ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwo bur burinaya guryaha halkaasi ku yaala iyo kuwo ka biya diidan.