JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeeno kuwaas oo kala ah:-
1. Liibaan Cabdiraxmaan Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee maamulka Hirshabeelle.
2. Axmed Bariise Xeydar, Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Amniga Gudaha ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa faray masuuliyiintan inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday weliba si waafaqsan qoddobka 58-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Halkan hoose ka akhriso:-