SoDMA oo diyaarado sida shixnado gargaar ah ka dajisay Baardheere

0

BAARDHEERE (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, oo waddo ka hortagga sameen ka dhalata abaarta laga cabsi qabo inay dalka ku dhufato ayaa maanta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxa ay gaarsiisay Saddex diyaarad oo sida shixnad gargaar mucaawino ah oo SoDMA ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah ee ku nool gudaha degmadaan iyo deegaannada ku xeeran.

 

Gargarakaan oo raashin ah ayeey hay’adda ugu talagashay in shacabka nugul uga gaashaantaan abaarta laga cabsiqabo in dalka ku dhufato, iyadoo hore degmadaan sameen adag ay uga soo gaartay daadadkii El-Niño ee sanadkii hore taas oo burburisay buundooyinka magaalada iyo kabayaashii dhaqaalaha walina saameentayda la dareemayo.

Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf ayaa gargaarkaan maamulka degmada Baardheere ee Dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here