Kenya oo bilowday dhex-dhexaadinta Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

0

KISMAAYO (SMN) – Dowladda Kenya ayaa haatan soo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka, kadib markii ay isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhex-dhexaadiyayaal ah oo ay dirtay dowladda Kenya, isla Markana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe.

Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Ujeedka ayaa ah in lasoo afjaro xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac, balse lama oga soda ay wax noqon doonaan.

Horay Axmed Madoobe ayaa uga biyo diiday isku dayo la sameeyay, si uu dib ugu soo laabto shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana Kismaayo ugu tegay ku simaha ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, balse safarkaasi kama soo bixin wax natiijo ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here