BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka ciidamada NISA, qaybta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.
Ciidamada ayaa isku fidiyay aagga Baydhabo, waxayna gaareen illaa deegaanka Goofgaduud-buurey, si ay uga hortegaan weeraro ka yimaada Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay xaqiijinta amniga magaaladaas iyo deegaana ku xeeran.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.
Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Koonfur Galbeed oo ku hayaan go’doomin, ayada oo mararka qaar soo weerara fariisimaha ciidamada ee ku yaalla maamulkaasi.