CAMAARA (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn saaka ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa si gaar ah loola beegsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare culus oo Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi, balse tiro ahaan ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda deegaanka ayaa kacsan, waxaana goobta la duqeeyay isku geedaamay xubnaha Al-Shabaab oo xadiday dhaq-dhaqaaqa dadka.
Camaara iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa waxaa badanaa ka dhaco duqeymo iyo dagaallo ay halkaasi ku qaadaan ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah.