MUQDISHO (SMN) – Ha’aydda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu beegsaday deegaanka Yaaqle ee gobolkaasi, xilli ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu xaqiijiyay in goobya uu ka dhacay howlgalka oo ahayd qarsoodi lagu dilay illaa 19 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab.
“Ugu yaraan 19 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo cadowgu ay doonayeen inay isku aruursadaan oo u dhow deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale NISA waxa ay u shaacisay inay isla deegaankan ku dishay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.