KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bilaabay kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah DFS, wuxuun xalay Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubbaland oo tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku casuumay xildhibaanada Jubbaland ku matala heer Federaal latashi guud oo ay maanta yeelanayaan, kaas oo looga hadlo khilaafka soo kala dhex-galay Jubbaland iyo Villa Soomaaliya.
Horay Axmed Madoobe ayaa uga biyo diiday isku dayo la sameeyay, si uu dib ugu soo laabto shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana Kismaayo ugu tegay ku simaha ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, balse safarkaasi kama soo bixin wax natiijo ah.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada;-