MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa la dhigay waddada dhinaceeda, waxaana lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan guutada 77 oo tababar uga socday xero ku taalla degmadaasi.
Ugu yaraan illaa saddex askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.
Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa laga nastay qaraxyadii ka dhici jiray caasimadda, waxaana taasi beddalkeed howlgallo joogto ah ka waday ciidamada ammaanka Soomaaliya.