MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baanadir Macalin Mahdi, dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo kuwa qeybaha, kaas oo looga hadlay xaalada amni ee Muqdisho.
Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, in ay ka duwanaadaan ciidammada kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-