KISMAAYO (SMN) – Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Jubaland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland feylasha liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Saddexaad ee Jubaland.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed oo ay wehliyaan xubnaha guddiga doorashada ayaa mid-mid u qaabilay odayaasha dhaqanka.
Intii kulanku socday oday kasta ayaa guddiga ku wareejiyay xubinta uu matalo, taasoo beesha uu ka soo jeedo ku meteli doona Golaha Wakiillada cusub.
Salaadiinta dhaqanka ee maanta soo gudbiyay liiska xubnaha cusub ayaa warbaahinta u sheegay in ay si buuxda u gutteen doorkii ugu muhiimsanaa ee dhismaha Golaha Wakiillada Jubaland, oo ah hay’adda sharci-dejinta ee aas-aaska u ah dowladnimada Jubaland.
Waxay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka iyo horumarka deegaanada Jubaland, iyagoo markasta mudnaanta siinaya maslaxadda guud ee bulshada.