KAMPALA (SMN) – Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee wadanka Uganda Amb Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kampala ee Caaasimadda dalkaasi.
Madax Sare oo ka socota Safaaradda Soomaaliya, Dilomaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka ayaa Uganda ayaa ka qaybgalay soo dhawaynta Amb Fardowsa Maxamed Qanyare.
Amb Fardowsa Qanyare ayaa ka mahadcelisay soo dhawaynta loo sameeyay iyadoo sheegtay in ay ku shaqayn doonto aragtida Madaxwaynaha JFS ee ku aaddan u adeegista Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku nool dalkaasi, sidoo kale Amb Fardowsa ayaa bulshada u gudbisay salaan diirran oo ay ka waddo Madaxwayanah JFS, Ra’suul Wasaaraha XFS iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.