MUQDISHO (SMN) – Sida uu soo daabacay wargeyska afka Swedish ka ku baxa ee Huvudstadsbladet ee dalka Finland wasiirka iskaashiga iyo horumarka ee dalka Finland, Ville Tavios ayaa go’aamiyay in sharuud uu ku xiro dhaqaalaha dalkiisa uu siiyo Soimaaliya taasi oo uu ku sababeeyay in dowladda Soomaaliya aysan dooneen in ay qaabisho Soomaali Funland ay dooneyso in ay ku soo celiso Soomaaliya.
Go’aanka Finland ayaa si gaar ah u taabanaya dhaqaale ay ku bixin jirtay barnaamij lagu horumariyay geediga siyaasadda Soomaaliya.
Tallabadan Finland ayaa ku soo beegmeysa dhowr toddobaad ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Jarmalka uu ku dhawaaqay in dalka lagu soo celin karo Soomaali ku nool Jarmalka oo halkaasi ka helin sharci deganaansho ama sababo kale dowladda Jarmalka ay dooneyso in ka soo tarxiisho dalkeeda.
Dhanka kale, dalal fara badan oo European ah ayaa doonaya in cadaadis dhaqaale ku qasbeen dalalka saboolka ah ee dadkooda ku nool yihiin in ay qaabileen dadkoodaasi marka Yurub laga soo tarxiilo.