QM oo soo bandhigtay tirada dadka ku barakacay colaadaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) –  In ka badan 427,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya 10-kii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2024-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

 

Marka loo eego warbixinta UNHCR, heerka barakaca gudaha ee ka dhashay dagaallada iyo amni-darrada ayaa aad u kordhay bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, iyadoo gobollada Gedo, Bay iyo Banaadir laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dadka soo barakacay.

Hay’adaha gargaarka oo qiimeyn ku samaynaysay is-beddellada barakaca 17-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa xusay in ilaa 66,000 qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar, kuwaas oo u badan beeralay degaanadoodii uga soo cararay abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqday.

Sida laga soo xigtay UNHCR, cunto, hoy, biyo, taageero hab-nololeedka iyo daryeelka caafimaadka ayaa ah baahiyaha ugu sarreeya ee qoysaska barakacayaasha cusub.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay siisay gargaar muhiim ah dadka gudaha ku barakacay ee nugul ee ay saameeyeen iskahorimaadyada, amni-darrada iyo isbeddelka cimilada.

Si kastaba, xaaladda dadka soo barakacay oo mudo sanado badan ku nool duleedka Muqdisho ayaan noqon mudnaanta koowaad ee dowladda, oo ka gaabisay inay wax la taaban karo u qabato, sida guryo ay degeen inay helaan si bulshadda kale ula fal-galaan, oo nolol, waxbarasho iyo shaqooyin ku heli lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here