MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqasho kadis ah ku tagay, qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaalladda amni iyo horumar ee Caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaal Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaasi oo uu waqti kula qaatay, qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha uu booqday.
Horay madaxweynaha ayaa sidaan oo kale kormeer lama filaan ah uga sameeyay Muqdisho, isaga oo aan loo xirin wax waddo ah, taas oo aad loogu boggaadiyay.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-