KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland waxaa saaka ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka maamulkaasi.
Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa saaka lagu soo dooran doonaa madaxweynaha cusub ee Jubbaland ee hoggaamin doono 5 sano ee soo socota.
Illaa afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ayaa ku loolami doono tartanka, waxayna kala yihiin:-
1-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
2- Faysal Maxamed Mataan
3- Abubakar Cabdi Xasan
4- Dr Cabdi Xasan Xajiin
Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka, kuwaas oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa aagga ay ka dhaceyso doorashada.
Doorashadan ayaa waxaa dibadda ka joogta dowladda federaalka oo horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya Axmed Madoobe oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.