Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland ee Gedo oo qarax lala beegsaday

0

GARBAHAAREY (SMN) – Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo, Cabaas Ibraahim Gurey ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax miino oo Al-Shabaab ay la beegsadeen, xilli uu marayay deegaanada xiriiriya xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa uu haleeyay qayb kamid ah gaarigii uu la socday, balse uu ka bad-baaday.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen isku dayga lagu dili rabay, balse uu Alle ka bad-baadiyay.

Gobolka Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo lala beegsado saraakiisha gobolkaasi, waxaana horay miino loogu dilay taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here