KISMAAYO (SMN) – Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay ciidamada ay sheegtay in sharci-darro yihiin oo ay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabulaysay deegaanadeeda.
Ciidamadan oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa la geeyay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Jubbaland ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay ku howlan tahay burburinta maamulkeeda oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka.