Wasiirka amniga Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Serbia + Sawirro

0

BELGRADE (SMN) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Belgrade, Serbia, ka dib markii uu casuumaad uga timid dhiggiisa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Dalka Serbia Mudane Ivica Dačić.

 

Booqashadan ayaa muujineysa xiriirka xooggan iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo ku dhisan ixtiraam wadajir ah iyo wada-shaqeynta marwalba si is-daba joog ah, taageeradooda midba midka kale ee ku saabsan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya taasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo is-afgarad diblomaasiyadeed ee labadda ay gaareen 1960kii.

Mudane General Fartaag ayaa kulamadiisa ku bilaabay wada hadal uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, Mudane Ivica Dačić, wada-hadaladan ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadsa kor qaadida tababaraddda Ciidamaddda Booqashadda Soomaaliyeed.

Serbia waxay door muhiim ah ka qaadataa dadaallada dib u dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidamaddda horumarinta hay’adaha amniga.

Khubarada amni ee Serbia ayaa bixiyay khibrad farsamo oo muhiim ah, taas oo door weyn ka ciyaartay xoojinta waaxyaha amniga ee Booliska Soomaaliya. Labada Wasiir ayaa saxiixay heshiis u dhaxeyn doona Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Serbia oo faa’dooyin badan laga dhaxli doono mustaqbalka dhow.

Inta lagu guda-jiro booqashadan ayaa sidoo kale Wasiirka waxaa uu tababar u soo xiri doonaa Saraakiil Soomaaliyeed oo in Muddo ah tababar xirfadeed ku qaadanayay Kuliyaddaaha ugu sareysa Ciidanka Booliska Serbia ay leeyihiin ee Kula iyo Goć.

Booqashadan waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya gacan lagu siiyo hanashadda himilooyinkeeda mustaqbalka.

Kulammada Wasiir Fartaag ee Belgrade waxaa ku jiri doona booqasho uu ku tago Machaddka daraasaadka iyo horumarinta amniga ee Vlatacom.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ay mar walba xoojin doontaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee dalalka saaxiibadda ah, gaar ahaan kuwa aaminsan mabaadi’da wadaagga ah ee madax-bannaanida, xasilloonida, iyo arimaha horumarinta sharciyadda Caalamiga ah.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u Mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Serbia, Danjiraha iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda Belgrade.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here