BERLIN (SMN) – Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulamo la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Booliiska Federaalka iyo mas’uuliyiinta Garoonka caalimga ee Berlin Brandenburg ee dalka Jarmalka.
Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo wafdigiisa oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka iska markaana uu wehlinayo Safiir kuxigeenka JFS ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalkaas iyagoo kala hadlay muhiimada ay leedahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga ah iyo wadashaqaynta horumarinta xiriiirka labadda dal ee dhinacyadda socdaalka.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay Madaxda Federaal Booliiska Dowlada Jarmalka iyagoo booqasho ku tagay Garoonka Caalamiga ah Berlin Brandenburg waxana ay u kuur galeen habka iyo nidaamka shaqo oo ay dowlada Jarmalka u ilaaliso socdaalka iyo maaraynta soo galootiga.
Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka kala dhaxeya dowlada Jarmalka waxana ay qayb ka tahay dedaalka lagu dar dargelinayo xiriirka caalamiga ah si adduunka aan ula jaan qaadno dhanka horumarinta baasaboorka iyo wadaagida khibrada iyo iskaashiga horumarinta Arrimaha Socdaalka.