Hey’adda SoDMA oo boqolaal qoys degmada Kaxda ugu qeybisay gargaar

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxa ay deeq gargaar mucaawino ah ugu qeybisay boqolaal qoys oo danyar iyo barakacyaal iskuugu jira.

 

Gargarakaan maanta waxaa ka faa’iideeystay 500 oo qoys oo ku xaraysan kaamam barakac oo ku yaal degmadaas kuwaas oo halkaas ay ku haysatay xaalad adag.

Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf ayaa kawarbixisay gargaarkaan, waxaana dhanka kale ka mahadceliyey dadkii gargaarkaan ka faa’iideeystay.

SoDMA ayaa maalmahan waday gurmad ay u fudineyso dadka danta yar ee ku sugan caasimadda iyo qaar kamid ah gobollada dalka oo gaysay deeq mucaawino ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here